4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2017
Wasiirka Arimaha Socdaalka iyo Qaxootiga Canada oo Nairobi uga qayb-galay kulamo looga arinsanayay taageerid-da Qaxootiga Dhadhaab (Sawirro)

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) – Wasiirka arimaha Socdaalka iyo Qaxootiga Canada Axmed Xuseen oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa kormeer ku soo maray xeryaha qaxootiyada ee ku yaala dalkaas halkaasi oo ay ku xaraysan-yihiin kumanaan Somaali ah oo colaado ay soo barakaciyeen.

Waxaa booqashadan ku wehlinyay Flippo Grandi oo ah mas’uulka ugu sareeya hay’adda Qaxootiga adduunka  ee UNHCR  , waxaana ay si wada jir ah u booqdeen in ka badan 245,000 guri oo ku yaala xeryaha Dadaab ,kuwaasi oo ay ku nool-yihiin dad isugu jira Somali iyo ajaanib kale.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in lacag dhan 15 milyan oo dollar ay dowladda Canada ku bixin doonto caawinta dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay abaartii sanadkii hore ku dhufatay qaybo kamid ah Kenya.

“Deeqdan waxa ay bad-baadin doontaa nolosha dadkan iyo tirro badan oo waxyeello ay ka so gaareen abaarihii xoogana ee ka dhacay Kenya “ ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay in dowlad-diisa ay wax badan u qaban doonto dadka caawinta u baahan.

Dhinaca kale wasiirka ayaa kulamo looga hadlayo arimaha qaxootiga kaga qayb-galay magaaalada Nairobi isaga iyo ergayga gaarka ah ee  arimaha dhalinyarada u qaabilsan QM ee Jayathma Wickramanayake.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka qayb-galay ciyaar kubadda cagta ah ka hor intii aan la soo gaba-gabayn kulamada looga hadlayay arimaha qaxootiga Kenya ,xilli uu jiro walaac laga qabo kaalmada ay helaan dadka ku soo barakacay xeryaha Dhadhaab.

Ugu danbayn, wasiir Axmed oo ah wasiirki ugu horeeyay oo Somali ah , isla markaana si qaxootinimo ah  ku galay Canada ayaa dhawaan sheegay in Canada ay qaadatay siyaasad ka duwan tan Maraykanka ,taasi oo ah in la soo dhaweeyo qaxootiga.

Faysal M. Hassan
[email protected]