4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
QM oo xayiraado cusub ku soo rogtay Waqooyiga Kuuriya

 

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) – Golaha Amaanka ayaa cod buuxa ku meel mariyey in xayiraado adag la saaro Kuuriyada Waqooyi, taasoo jawaab u ah tijaabadii dhawaan ay ku samaysay gantaalaha ballistigga.

Qaraarka qabyada ah ee Qaramada Midoobay waddo waxaa ka mid ah in hoos loo dhigo shidaalka uu dalku dibadda u dhoofiyo 90%.

Shiinaha iyo Ruushka oo bahwadaag la ah Kuuriyada Waqooyi waxay u codeeyeen qaraarkaas.

Horeba dalkaas waxaa u saarnaa tiro xayiraado ah oo ay ku soo rogeen Maraykanka, Qaramada Midoobay, iyo midowga Yurub.

Xukuumadda Washington waxay Pyongyang xayiraado ku haysay tan iyo 2008, ayadoo la fariisiyey hantida shakhsiyaad iyo shirkado lala xiriirinayo barnaamijkeeda Nukliyeerka, waxaana kale oo la mamnuucay in badeecado iyo adeegyo uu dalku dibadda ka soo waarido.

Nikki Haley oo ah safiiradda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay waxay sheegtay in xayiraaduhu “ay yihiin farriin cad oo ku socota Pyongyang, kuwaasoo haddii la iska dhega tiro keeni kara ciqaabo iyo go’doomin dheeraad ah”.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]