4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Saraakiisha Kenya oo sheegay in Al-shabaab diyaariyeen qorshayaal cusub oo sir doon

 

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) - Saraakisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in xoogagga Al-Shabaab ay dajiyeen qorsheyaal halis ah oo dhanka Sirdoonka ah,sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya.

Joseph Kanyiri oo ka mid ah saraakiisha Kenya  ayaa sheegay in Al-shabaab ay diyaariyeen haween sida uu hadalka u dhigay ay geyn doonaan gobollada Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari Kenya.

Joseph Kanyiri ayaa intaa ku daray in haweenka ka tirsan Al-shabaab loogu talagalay in ay xiriir saaxiibtimo la yeeshaan ciidamada Kenya si ay u helaan xog dhanka sirdoonka la xiriirta.

Sargaalkaan u hadlay ciidamada Kenya wuxuu sheegay in Horay Al-shabaab ay Talaabadaan oo kale sameeyeen islamarkaana ay dumar u adeegsadeen basaasnimo si ay gudaha Kenya xog uga helaan.

Al-shabaab ayaa weeraro isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah intaba ka geystay gobolka Waqooyi Bari Kenya,waxaana kii ugu saameynta badnaa uu ahaa weerarkii ka dhacay Jaamacadda Magaalada Gaarsisa 2015.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]