4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Guddoomiye Waaxeed saakay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) - Rag hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku dilay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir Guddoomiye laameed ka tirsan degmadaas.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ragga dilka fuliyay ay saarnaayeen Mooto, iyaga oo markii danbe ku baxsaday Mootadii ay wateen.

Ciidamada dowladda ayaa howl gallo lagu baadigoobayo kooxaha dilka geystay ka wada xaafado ka tirsan degmada Waabari.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waabari iyo laamaha amniga, waxaana dilkan ku soo aadayaa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamo badan la dhigay isgoysyada waddooyinka caasimadda.

Dilkan ayaa ka mid ah dilal is daba joog ah oo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]