4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Wasiir Omaar : Gabagabo ayeey ku dhawdahay la soo wareegida hawadda Soomaaliya

 

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaaradda duulista hawadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaalkii ugu dambeeyay ee ay kula soo wareegayso hawadda.

Wasiirka oo ku sugan dalka Canada, waxaana uu sheegay Labo todobaad kaddib in la soo wareejin doono Hawadda Soomaaliya oo hadda laga maamulo dalka Kenya.

Wasiir Omaar ayaa tilmaamay in 28-da bishaan la qaban doono munaasabad lagu soo bandhigaayo qalabka cusub ee hawadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda ay jiraan Shaqaallo Ajnabi oo ka sii howl bilaabi doono Muqdisho marka las oo wareejiyo, maadaama aysan jirin Shaqaalle Soomaaliyeed oo leh Aqoonta qalabkaasi.

Soo wareejinta Hawadda Soomaaliya ayuu ku timaamay Wasiir Omaar in ay tahay horumar weyn oo ay gaartay dowladda.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo xooggan oo ku aadan soo gacan gelinta Hawadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]