4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay taliye cusub oo dhinaca Ammaanka Qaranka ah

 

Sabti, December, 23, 2017 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay La taliyihiisa dhinaca Ammaanka Qaranka CabdiSaciid Muuse Cali oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed.

Warkan ayaa soo ifbaxay kaddib markii Twitterka Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating lagu soo qoray in uu kulan la qaatay CabdiSaciid oo ah la taliyaha Amnaanka Qaranka madaxweynaha isaga oo xilkaa ugu hambalyeeynaya.

CabdiSaciid ayaa ah nin aan ku cusbeyn Siyaasadda Soomaaliya waxaana dowladdii Ku-meel-gaar ah ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, waxaa uu ka ahaa La taliye dhinaca farsamada, waxaa uu sidoo kale dowladda uu isku xire uu ka ahaa hey’addo badan oo caalami ah.

Inkastoo Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobey oo uu ku shaaciyay bartihiisa Twitter –ka magaacaabista mas’uulkan haddana ma jiro qoraal rasmi ah oo ay Hiiraan Online ka heshay xafiiska madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]