4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Shan Carruur ah oo ku dhimatay Qarax ka dhashay Bam ay ku cayaarayeen degmada Mandera

 

Jimco, December, 22, 2017 (HOL) – Shan Caruur ah ayaa lagu waramayaa ay ku dhinteen Ban ay ku cayaarayeen habeennimadii Khamiista deegaan lagu magacaabo Banisa oo ka tirsan degmada Mandera.

Ku-xigeenka guddoomiyaha deegaanka Banisa Mathias Chisambo oo tagay goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay Qaraxan uu ka dhashay Bam gacameed ay Carruurtan ku cayaarayeen, isaga oo sheegay in uu socdo baaritaan arintan ku saabsan.

Carruurtay dhimatay ayuu sheegay in ay da’doodu u dhaxeysa 12- 17 sano jir ah

Maxamed Cali Cismaan oo ah xubin ka tirsan golaha degmada ayaa Hiiraan Online u sheegay in Carruurtan ay helleen Qaraxa maalin ka hor xiliga uu Bamku qarxay oo aheyd habeenkii Khamiista.

Bishii Marso ee sanadka Labo Carruur ah ayaa ku dhimtay Saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen Bam kula qarxay deegaan lagu magacaabo Hareri-Hoosle oo ku yaala xadka Kenya iyo Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]