4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Kulan adag oo galabta Koonis Stadium ku dhaxmari doona Kooxaha Kubadda Puntland iyo Jubbaland

 

Jimco, December, 22, (HOL) - Garoonka Koonis  Stadium  gobolka Banaadir ayaa galabta lagu soo gaba-gabeyn doonaa tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka soconayo caasimadda Muqdisho, waxaana sanadkii labaad oo xiriir ah Finalka is keenay Puntland iyo Jubbaland.

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay shan maamul goboleed oo lagu daray  gobolka Banaadir, iyadoo kama dambeysta ay isugu soo hareyn Puntland iyo Jubbaland.

Labada koox ee galabta ku ballansan Koonis ayaa waxaa ay ka soo kala badiyeen Banaadir iyo Koofur Galbeed ciyaarihii Sami-Finalka.

Natiijada Cayaarta waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]