Jimco, December, 22. 2017 (HOL) - Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada
Garoowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland.
Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawlad
Goboleedyada, Gudoomiye Ku-xigeenka gobolka Banaadir ee Arrimaha siyaasadda iyo
Amniga, Agaasimaha Guud iyo La taliyayaal sare oo k atirsan Wasaaradda Arrimaha
Dastuurka ee dawladda dhexe.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Dastuurka
Puntland iyo mas'uuliyiin kale.
Wasiir Xoosh oo saxaafadda la
hadlayay ayaa ka mahadnaqay soo dhaweeynta wanaagsan ee loo sameeyay, sidoo
kale waxa uu ka hadlay ujeedada safarka.
“Ugu horeeyn, waxa aan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta aadka u qiimaha
badan ee na loo sameeyay, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan markale soo gaaro
Garoowe, waxaa aan u nimid Garoowe in aan ka qayb galno shirka Madasha
Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo Sedexdii bilba mar qabsooma” ayuu yiri Wasiir
Xoosh.
Wafdiga ayaa ku sugnaan doona Garoowe maalmaha soo socda iyaga oo
War-murtiyeed ka soo saari doono shirka madasha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]