4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2017
Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ku gacanseyray go’aankii maxkamada gobolka Banaadir

 

Khamiis, December, 21, 2017 (HOL) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ku gacanseyray go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ku soo afjaray kiiskii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay ku soo eedeysay Xafiiska Xeer Ilaalinta oo ahaa fal dambiyeed qiyaano Qaran dumis.

Xeer ilaaliyaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ahaa mid baal marsan sharciga, isla markaana ay ka qaadanayaan racfaan sharci ah.

“Xafiiska Xeer Ilaalinta wuxuu racfaan ka qaadanayaa go’aankii guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo aan u arango in aanu sharciga waafaqsaneyn, maadaama waxa laga doodayay ay aheyd in muddo xafiiska xeer ilaalinta la siiyo oo baaris ku sameeyo, dacwada'' ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed uu diiday in racfaan laga qaato kiiska uu xukmiyay.

Laakiin Xeer ilaalinta ayaa ku adkeysaneysa in si sharciga ah waafaqsan ay racfaan ugu qaateen go’aakaas ay maanta Maxkamadda xoriyadiisa dib ugu soo celisay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]