4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2017
Cabdiramaan Cabdishakuur : Waa laga gudbay xiligii Qori caaradii wax lagu maamulayay

 

Khamiis, December, 21, 2017 (HOL) –Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta dib xoriyadiisii u helay ayaa markii ugu horeysay kaddib xariggiisa waxaa uu la hadlay Warbaahinta, isaga oo sheegay in ugu danbeyntii Cadaalladu guuleysatay.

‘’Waxaan rabaa in aan halkan uga mahad celiyay dhamaan dadkii i barbar istaagay oo ay ka mid yihiin odayaasha Muqdisho, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir, waad arkeyseen maxkamadana waad joogteen sida uu xukunku u dhacay, in dulmi leygu soo weeraray, ilaaladeydii lagu laayay hantideydiina lagu bur buriyay’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wuxuu sheegay in qeybtii koowaad ee maxkamada soo dhamaatay loona gudbi doono qeybta labaad oo sida uu hadalka u dhigay uu raadsan doono xuquuqdiisa.

‘’Maxkamada qeybtiidii hore wey soo dhamaatay waxaa dhiman qeybtii labaad oo aan xuquuqdeyda ku raadsan doono, ciddii igu been abuuratay beenteedii waa la cadeeyay, waxaan rabaa in aan u sheego madaxda dalka waa laga soo gudbay waqtigii Qori wax lagu maamuli jiray dalkaanna xili dib loo celiyo ma joogo ayuu yiri’’ Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Guddoonka labada Aqal ee dowladda ayuu ugu baaqay in sharciga la taagsadaan sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo dastuurka iyo qawaanniinta dalka ka weynaata.

Shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imanaya kaddib markii maxkamada gobolka Banaadir ku dhawaaqday in wax danbi ah lagu waayay siyaasiga, islamarkaana xeer ilaalintu ku soo gudbin weyday cadeymo waqtigii loo qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]