Maxkamada gobolka Banaadir oo sharci darro ku tilmaamtay xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Khamiis, Decmeber, 21, 2017 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa
duhurnimadii maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay siyaasiga Cabdiraxmaan
Cabdishakuur kaddib markii saakay maxkamaddu ay u fariisatay kiiskii loo
heystay.
Maxkamada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka
sare Abshir Bukhaari, Xildhibaan Mahad Salaad, Xeer Ilaaliye ku xigeenka
Qaranka Maxamed Xassan, goob joogayaal kale oo loo ogolaaday dhageysiga
maxkamada.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi oo ku
dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn Cabdiraxmaan
Cabdishakuur, islamarkaana xariggiisa
aan loo marin Waaran Maxkamadeed.
Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xassan ayaa dalbaday in kiiskan ay ka
qaataan Racfaan, balse go’aankaas Maxkamadda ayaa ka diiday, waxaana ay
sheegtay dacwadan in ay soo xirantay oo noqosho dambe aysan laheyn.
Xeer ilaalinta ayaa horay u dalbatay in muddo Shan Cisho ah la siiyo si ay u
keenaan cadeymo ku filan hasse ahaatee Maxkamada ayaa taa ka diidday oo ka
dalbatay muddo 24 Saac gudahooda ah ku keenaan cadeymaha.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda u muuqda shaqsi xoriyadiisa dib u helay
ayaa xalay waxaa damaanad ku sii daayay dowladda Federaalka oo ku wareejisay
qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiin isku
howlan sii deyntiisa.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]