4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2017
Maxkamada gobolka Banaadir oo mar kale maanta u fiirsatay dacwada Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Sawirro

 

Khamiis, December, 21, 2017 (HOL) – Maxkamada gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta u fariisatay dacwada ka dhanka ah siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay laga sii daayay xabsigii uu ku jiray.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa hadda waxaa ka socota maxkamadeynta C/raxmaan C/Shakuur waxayna maxkamaddeynta ku saabsan tahay xalaaleynta sii daysmada Siyaasigan, iyadoo loo marayo wado sharci ah.

Sawirro laga soo qaaday maxkamada ayaa waxaa ka muuqda C/raxmaan C/Shakuur oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo fadhiya gudaha maxkamada oo ay dacwada ka socto.

 

Dadaal ay sameeyeen qaar ka mid ah madaxda maamul gobolleedyada, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in gacanta dowladda laga soo wareejiyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo damaanad lagu sii daayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]