4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2017
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in damaanad lagu sii daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Khamiis, December, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo faah faahin ka bixiyay sii deynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay damaanad lagu sii daayay.

Xaaf ayaa sheegay in aysan jirin wax sharuud ah oo lagu xiray sii deyntiisa sida in uusan Warbaahinta la hadli karin iyo in uusan dalka ka bixin karin.

‘’Waxaasi waa waxba kama jiraan wax sharuud ah oo sii deyntiisa lagu xiray ma jirto’’ ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin sii deynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo balansanaa in uu maanta mar kale hortago maxkamada gobolka Banaadir.

Ciidamada Amaanka ayaa habeennimadii Axad ee todobaadkan waxaa ay siyaasiga ka soo qabteen Gurigiisa, iyadoo iska horimaad halkaa ka dhacay ay ku dhinteen Lix ka tirsanaa Ilaalada Guriga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]