4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2017
Dowladda oo sii deysay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Khamiis, December, 21, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay waqti danbe xoriydiisa dib ugu soo celisay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaasoo habeenkii Axada aheyd ay ciidamada ammaanka ka soo qabteen Gurisiiga weerar dhiig badan uu ku daadday.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ayaa lagu soo sii daayay Siyaasiga.

Warar ayaa sheegaya in sii deyntiisa lagu xiray sharuudaha ah in uusan dalka ka bixi karin, in uu Warbaahinta wax war ah siin karin iyo in uusan shir qaban karin, inta ay socoto kiiska dacwadiisa.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa xilligan ku sugan Guriga Imaam Maxamed Yuusuf.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isagoo gacanta midig ka duubneyd laga soo qaaday sawiro, isagoo dhoola cadeynayay, qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu ku sheegay in “Caddaalada ay waareyso Caddaalad darada ay fashilmeyso”

Sii deyntiisa ayaa imaneysa xili maanta loo balansanaa maxakamdeyntiis, laakiin taa badalkeeda lagu sii daayay dadaalo is daba joog ah oo ay arintan u galleen odayaash, waxgarad iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]