4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Ciidamada Xoogga dalka oo 30% la ogaaday in aysan hubeysneyn

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Laga soo bilaabo bishii September ee sanadkan 2017 Al-shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen dhowr saldhig militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo ku dilay weeraradaas ku dhawaad 60 Askari, sidoo kalana ku qabsaday hub kala duwan.

Hadaba Qiimeyn ama Daraasad ay sameysay Wasaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in 30% ciidamada ka tirsan xoogga dalka yihiin kuwo aan hubeysneyn.

‘’Qiimeyn la sameeyay waxaa lagu ogaaday in ciidamada xoogga dalka 30% aysan wax hub ah heysan, qaar kalana ay ka maqan yihiin hubka culus ama ku dhaxdhaxaadka ah’’

Wasiirka difaaca Soomaaliya Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qiray gaabiska dhinaca hubka ee haysta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Wareysi gaar ah uu siiyay VOA-da waxa uu wasiirka shaaciyay inay jiraan ciidamo Soomaali ah aanan wax hub ahna haysan balse dowladda ay isku dayeyso inay hubkooda u dhamaystirto inkastoo badankooda ciidamada hub haystaan.

Warka ka soo baxay wasaaraadda Gaashaandhigga ayaa imanaya xili Mareykanku shaaciyay in ay joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray qeybo ka mid ah ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed.

Laakiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in joojinta dhaqaalaha Mareykanku uu bixin jiray wax saameyn ah ku yeeelan doonin ciidamada qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]