4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Raggii ka danbeeyay dilka Ganacsade lagu dilay Laaascaanood oo la qabtay

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Baadigoob Shan maalmood qaatay ayaa lagu guulaystey in gacanta lagu dhigo niman gacan ku dhiiglayaal ah oo Nin ganacsade ah ku diley bartamaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha Qaybta Booliska G. Sool C/risaaq Maxamed Faarax oo ka warbixiyey baadigoobkii ugu balaadhnaa ee ciidamadu sameeyaan ayaa sheegay in lagu guulaystey soo qabashada nimankaas oo laba aahaa.

"Shantii iyo Badhkii Ayaan Ku guulaysaney, in aan qabano Nimankan denbiilayaasha ah oo shan maalmood dabataagnayn" sidaa waxaa yidhi taliyaha ciidanka Booliska isgoo intaas raaciyey Mahad celin dadkii ka caawiyey hawshan.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo la hadlay saxaafada ayaa madaxweynaha Somaliland ka codsaday in talasno kaga qaado dadka dilka u xidhan ee ku jira xabsiyada Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee talaabadan lagu soo qabtay nimankan dilka geystey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Guud ahaan gobolka, waxase la eegayaa in lagu fuliyo denbiilayaashan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool