4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Munaasabada 74 Sanno-Guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidamada Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho


Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee Gen Kaajiye ayaa maanta waxaa ka dhacay munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 74-aad ee ka soo wareegtay markii la Aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan gollaha wasiiradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Danjirayaal ka socday beesha caalamka ayaa ka qeybgalay munaasabada.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada Booliiska ayaa Dhoolatus iyo Gaada ka Cayaar ku soo bandhigay munaasabada.

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Booliska ayaa Ubax dhigay Taallada Booliska ee ku dhex taalla Dugsiga Gen Kaahiye, taasoo lagu maamuusay saraakiishii iyo Askartii ka geeriyooday ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha oo halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu hambalyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed maalintan qiimaha gaarka ah u leh dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in munaasabad weyn oo Madaxda Qaranku ay ka qeyb galayaan la qaban doono Caawa oo Khamiis ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuiryadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Booliska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]