4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Baladweyne : 74 Sanno-guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidamada Booliiska oo laga xusay


Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Munaasabada oo aheyd mid soo weyn loo soo agaasimay ayeey cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan waxaa ay ku soo bandhigeen Gaado ka Cayaar iyagoo salaan sharaf ka qaatay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Booliiska.

Munaasabadan oo ka dhacday saldhiga Booliiska magaalada Baladweyne ayaa waxaa hadal ka jeediyay taliyaha ciidamada Booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wax qabadka ciidamada booliiska, isaga oo dhinaca kale ka codsaday madaxda dowladda in wax laga qabto mishaar la’aanta ciidamada heysata.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa u mahad celiyay ciidamada Booliiska oo sida uu hadalka u dhigay ah saaxiibka bulshada, isaga oo sheegay in ay ka war qabaan baahiyaha ciidanka sida ugu dhqsiyaha badanna wax uga qaban doonaan.

Xuska munaasabada 74 Sanno-guuradii ka soo wareegtay Aas-Aaska ciidamada Booliiska ayaa maanta lagu qabanaa inta badan gobollada dalka iyo deegaannada ay ka arimiyaan maamul gobolleedyada qeybta ka ah dowladda dhexe ee Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]