4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Inta badan Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo xiran

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Ciidamada Amniga ayaa xiran inta badan Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho xili magaalada uu ka soconayo xuska 74 sano guuradii ka soo wareegatay markii la Aas-aasay ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu arkayaa Wadooyinka Maka Al-Mukarama,Sodonka,Wadnaha iyo sidoo kale Waddooyinka soo gala goobta ay ka dhaceyso munaasabada oo ah xarunta Gen. Kaahiye, kuwaasi oo aad u feejigan.

Saraakiisha Amaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maanta aad loo adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho, maadaama lagu qabanayo munaasabada xuska 74 sano guuradii ka soo wareegatay markii la Aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliya.

20ka bisha December ayaa sanad walba la maamuusaa Aas-aaska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ah kuwa uu faca–weyn guud ahaan marka la eego ciidamada qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]