4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Shirka Madasha Aragti wadaagga oo ka furmay Jabuuti

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Dalka Jabuuti waxaa ka furmay Shirka Madasha Aragti wadaagga Soomaalida, kaasi oo looga hadlayo Arrimaha Siyaasadda, Bulshada, Dhaqaalaha iyo wax-yaabo kale.

Shirkan oo ay marti gelisay Dowladda Jabuuti ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qeybaha bulshada ee geeska Afrika, Qurba-Joog, Aqoonyahano, iyo Mas’uuliyiin tirsan maamulada Soomaalida ah ee dalka Jabuuti.

Shirkan ayaa noqonaya mid Sanadle ah waxaana isugu imaanaya, dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka oo ay ka mid yihiin dalalka Kenya, Itoobiya, Soomaaliya, iyo dalalka caalamka.

Mausuliyiinta Shirkan ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xassan Maxamed, wuxuuna sheegay shirkan uu ku soo bandhigi doono Mowqifka Dowladda, Hiigsiga Fog iyo Midka Dhow, Qorshaha Dowladda iyo Arrimo kale.

Shirkan oo ay joogaan Siyaasiyiin kala duwan oo ka kala yimid deegaano kala duwan, hadana ma ahan mid Siyaasadeed, waxaana laga sugayaa talooyin fara badan oo la xiriira arrimaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]