4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Baarlamaanka Uganda oo u codeynaya qodob meesha ka saaraya xadidaadda da'da madaxweynaha

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Baarlamaanka Uganda ayaa lagu wadaa in maanta uu cod u qaaddo in meesha laga saaro xadidaadda da'da madaxweynaha.

Dhanka kale xildhibaannada dalkaasi ayaa isku mari la' in isbedel dastuurka lagu sameeyo si loo kordhiyo muddo xileedka xubnaha baarlamaanka.

Dadka dhaliilsan in meesha laga saaro xadidaadda da'da ayaa sheegaya madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni uu doonayo inaanu weligii xilka baneyn.

Codeynta maanta ayaa kusoo beegmaysa ayadoo xildhibaannada mucaaradka ah ee Uganda ay sheegeen in shalay ay dhismaha baarlamaanka ku sugnaayeen askar ka tirsan milateriga dalkaasi, taasina ay ku dhalisay walaac dhanka ammaanka ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka, Rebecca Kadaga, ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo eedeymahaasi.

Xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in qorshaha isbedelka loogu samaynayo dastuurka ay ku doonayaan in madaxweyne Yoweri Museveni uu u tartamo doorashada Uganda ka dhici doonta 2021-ka.

Mudanayaasha ayaa sidoo kale maantau codeyn doona in la kordhiyo mudada ay xilka hayaan, oo laga dhigo todoba sano halka ay hadda ka tahay shan sano.

BBC