4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Xeer Ilaalinta Soomaaliya oo maanta laga sugayo cadeymo la xiriira eedda loo heysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Maxkamada gobolka Banaadir oo maalintii shalay la horgeeyay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka dalbatay Xeer Ilaalinta Soomaaliya in muddo ku dhan 24 saac gudahood lagu horkeeno maxkamada cadeymo la xiriira eedaha loo heysto Siyaasiga.

Tahliil Xaaji Axmed oo ah Qarreenka u dooddaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xariga siyaasiga aan marnaba loo mari sida uu hadalka u dhigay sifo sharci ah islamarkaana dowladda laga doonayo in ay ka jawaab celiso.

Arbacada maanta ah ayaa loo balansan yahay in mar kale dib loogu noqdo maxkamada oo dhinaca xeer ilaalinta ka sugeysa cadeymo la xiriira danbiyada loo heysto Siyaasiga.

Lama oga ilaa xad cadeymaha ay maanta hor geyn doonaan maxkamada Xeer Ilaalinta ama dacwad oogayaasha, hasse ahaatee laamaha Amniga dowladda ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxaa ay ku sheegeen in ay gacanta dhigeen Agab kala duwan oo filan dacwad ku soo oogidda Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wixii ka soo kordha Wararka ku saabsan maxkamadeynta Siyaasiga waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]