4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Xuska 74 Sannad-guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidamada Booliiska oo Muqdisho ka dhacaya

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) – Xuska 74 Sannad-guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska ciidamada Booliiska Soomaaliyeedayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

20 December sanad walba waxaa la qabtaa xuska munaasabada lagu maamuusayo Aas-aaska ciidamada Booliiska oo ah kuwa ugu faca-weyn marka la eego guud ahaanba ciidamada qalabka sida.

Ciidamada Booliska ayaa la filayaa in ay soo bandhigaan dhoolatus, waxaana munaasabada ka qeybgali doona madaxda ugu sareysa dalka iyo xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka ka jooga Soomaaliya.

Amaanka guud ahaan caasimada ayaa siweyn loo adkeeyay gaar ahaan jidadka gala goobtaay ka dhaceyso munasabada.

Qof isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa 14-kii bishan isku qarxiyay Barxada Dugsiga Tababarka Gen Kaahiye isaga oo halkaa dilay 18 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliiska oo u diyaargaroobayay in ay ka qeybtaan munaasabada maanta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]