4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2017
Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerar xalay ka dhacay degmada Afgooye

 

Arbaco, December, 20, 2017 (HOL) - Dagalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar waxaa ay ku qaadeen ciidamo dowladda federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-Yar ee degmada Afgooye.

Weerarka ayaa wuxuu ahaa mid socday waqti kooban oo labada dhinac ay is hubiyeen rasaas xoogan, taasi oo baqdin gelisay shacabka.

Saraakiisha ammaanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse ciidamada dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.

Waxay kaloo sheegeen saraakiisha in ciidamada xalay waxa ay sameeyeen dhaq dhaqaaq ciidan oo ay uga jawabayeen weerarka Shabaabka ay soo qaadeen iyo sidii looga dabi tagi lahaa raggii weerarka soo qaaday, inkastoo ilaa hadda aanan la heyn waxa ka soo kordhay Howlgalkaasi.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii xalay, maadaama ay aheyd xilli habeen ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalka.

War Al-shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in mudo kooban ay la wareegeen Buundada-Yar ee Afgooye, halkaasi oo ay sheegeen in mudo ah in ay ka dagaalameen.

Waxay sidoo kale sheegeen Shabaabka in Dagaalkan ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen.

Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]