4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2017
KOONFUR AFRIKA : Burcad Madow ah oo Ganacsade Soomaaliyeed ku Dilay Magaalada Pritoria



Talaado, December, 19, 2017 (HOL) - Kooxo hubaysan oo burcad ah una dhashay Koonfur Afrika ayaa magaalada Pirtoria ku dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Abshir Cusmaan ,waxaana ay dhaawaceen seddex qof oo kale oo Somali ah oo ku sugnaa dukaanka la weeraray.

Falkan dilka ah ayaa la sheegay in uu hor-kacayay wiil ay dhaleen qoyska uu ganacsadahan ka daganaa guriga ,waxaana la sheegay in weerarkan ay u adeegsadeen bistoolado iyo qoryaha fudud.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in burcad-da ay goobta ka qaateen lacago iyo alaabo kale oo muhiim ah oo yaalay dukaanka loo dhacay oo ahaa mid ay si weyn uga adeegtaan dadka ku nool agagaarka MAMA LODHI

Kooxdan burcad-da ah ayaa sidoo kale dhaawacay seddex qof oo kale oo magacyadooda lagu sheegay.

1:  Axmed Guuleed Isaaq
2: Liibaan Muumin Dhugdhugle 
3: Muuse Ahmed Faarax.

Ug danbayn, Muuse Faarax ayaa la sheegay in uu dalka joogay muddo shan cisho ah ,waxaana dilkan uu ku soo aadaya ,iyada oo bilihii la soo dhaafay si gaar ah loo beegsanayay Soomaalida ku ganacsata gudaha dalkaasi.

Faysal M. Hassan
[email protected]