4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir kaddib markii habeen hore ciidamada dowladda ay ka soo qabteen Gurigiisa.

Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale dalbatay in muddo 5 maalmood loo siiyo, si ay baaritaanka ku soo dhameystirto, isla markaana ku keento caddeymo.

Hasse ahaatee guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa diiday dalabka Xeer ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo, laguna soo dhameystiro baaritaanka eedaha loo heysto

Qarreennada u dooddayay Siyaasiga ayaa sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay aheyd mid sharci darro ah, isla markaana aanu wax dambi ah laheyn.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]