4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Jubbaland oo ku biirtay Puntland iyo Koonfur Galbeed oo Tartanka laga reebay

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Mid ka mid ah Cayaarihii ugu xiisa badnaa ee mar kale waxaa garoonka Stadium Koonis isku arkay Xiddigaha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed lugtii ugu danbeysay cayaarta Afar dhamaadka.

Inkastoo labada kooxeed ay soo bandhigeen cayaar heerkeedu sareeyay haddana xulka Kubadda Cagta ayaa Jubbaland ayaa u muuqday kuwo ku gacansareeyay kulanka oo wareegiisii hore ku soo dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaamineysay Jubbaland.

Markii wareegii labaad leysugu soo noqday Xiddigaha Koonfur Galbeed waxaa ay qaadeen weeraro helis ahaa oo cayaarta ka dhiggi karey Barbar dhac, laakiin Jubbaland ayaa Goolkeedii lahaad ka dhalisay Koonfur Galbeed oo hogaanka lagu sii dheereystay.

Daqiiqadihii loogu talagalay Cayaarta waxaa ay ku soo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Xiddigaha Jubbaland oo cayaarta Finalka la dheeli doona maalinta Jimcaha ah xulka Kubadda Cagta Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]