4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Sacuudiga oo la sheegay in uu qabtay Gantaal ku sii socday Riyadh

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal caan ka sameysan oo ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax, waxey sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka baxayo dhanka hawada sare.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yamama.

Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.

Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa Iraan ku eedeeyay in ay madaafiic siiso Xuutiyiinta Yaman.

Iraan ayaa beenisay in ay hubeysan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta oo dagaal kula jira isbeheysiga Sacuudiga iyo dowladda Yaman tan iyo 2015-kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]