4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Warar ku saabsan dagaal gobolka Hiiraan ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan Itoobiya iyo Al-shabaab

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Xaalada deegaannadii ay maalintii shalay ku dagaalameen ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa degan sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 17km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab waddada u galleen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in dadki deganaa deegaannada u dhaw halka dagaalku ka dhacay ay ka carrareen guryahdooda, sababo la xiriira cabsi dhinaca amnigooda ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa horay u sheegay in qeybo ka mid ah gobolka soo galleen dagaalayaal ka tirsan Al-shabaab ka soo firxad ka ah duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee Koonfurta Soomaaliya.

Maamulka gobolka Hiiraan kama uusan hadlin dhinaciisa dagaal shalay ku dhaxmaray gobolka Hiiraan ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]