4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Nabadoon xalay lagu dilay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya koox hubeysan xalay halkaa ku dileen Nabadoon siweyn looga garanayay degmada.

Dadka ku sugan degmada ayaa sheegaya in koox hubeysan Nabadoon Gurigiisa ugu tageen, iyagoo dilka kaddib halkaa isaga baxsadeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in rag Al-shabaab ka tirsan ay dileen nabadoonka oo magaciisa lagu Maxamed Aadan oo ku magac dheer (Caamir Muuse).

Ragga dilka gaystay ayuu sheegay in ay magaalada meel ka baxsan ay ka yimaadeen, kadibna markii ay dileen nabadoonkaasi ay carareen.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ragga dilka geystay isku rasaaseeyeen meel dulleedka ka ah degmada Baraawe, hasse ahaatee lama sheegin cid loo qabtay dilka nabadoonka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]