4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Wiilka boqorka Sacuudiga oo iibsaday Guriga ugu qaalisan dunida

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa noqday ninka magaciisa la qariyay ee iibsaday guriga ugu qaalisan dunida ee ku yaalla Faransiiska, sida uu daabacay Wargeyska The New York Times.

Wargeyska ayaa sheegay in warqadda kala iibsiga gurigaasi uu ka muuqdo dhaxal sugaha boqortooda oo dhowr shirkadood u maray arrinta.

Qasriga oo ku dhow Versailles, wuxuu leeyahay kalaab, shineemo, jidad yaryar oo qoyan iyo biyo hoose oo kalluun uu ku nool yahay.

Qiimaha guriga wuxuu ahaa $320 milyan oo dollar. Wargeyska dhaqaalaha ka hadla ee Fortune ayaa sheegay in qasriga uu yahay kii ugu qaalisanaa caalamka.

Magaca qofka iibsaday guriga lama garaneyn xilligii hore, laakiin The New York Times ayaa ku warrantay in warqadaha ay muujinayaan in guriga ay iibsatay shirkad uu maamulo Amiir Maxamed Bin Salmaan oo qeyb ka ah hay’addiisa u gaarka ah.

 

Dowladda Sacuudiga ayaa diiday in ay ka hadasho arrintaan ku saabsan guriga uu iibsaday dhaxal sugaha 

Haweeney u hadashay safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa weriyayaasha The New York Times ku eedeysay “baahinta war aan dhexdhexaad ahayn oo ay dano gaar ah ka leeyihiin”.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]