Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo dalbaday in la sii daayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Iyadoo maalintii labaad gacanta dowladda
federaalka uu ku jiro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo habeen
hore ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ka soo qabteen Hoygiisa ayaa kulan
ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubno ka tirsan labada Aqal ee dowladda waxaa
ay ku dalbeen in la sii daayo siyaasiga.
Xildhibaannadan oo laga soo doortay Galmudug ayaa isku afgartay qodobo dhowr
ah oo u badnaa cambaareyn iyo baaq degdeg ah oo loogu jeediyay Madaxda dowladda
in la sii daayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xildhibaan C/xakiin Macalin Xasan ayaa markii uu kulankooda soo dhamaaday
kaddib Warbaahinta u aqriyay qodobadii ay isku afgarteen, isaga oo sheegay in
ay cambaareynayaan weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
“Waxaan cambaareynaynaa
weerarkii loo geystay Guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, weerarkaas oo Lix
ruux oo isugu jiry gabar iyo 5 wiil ku
dhinteen, oo aan waxba galabsan, Saddex qof oo Cabdiraxmaan ku jira lagu
dhaawacay, isagoo dhaawac aha xabsiga loo taxaabay”ayuu yiri Xildhibaan
Cabdixakiin.
Xildhibaanka ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen NISA ay aheyd mid sharci
darro ah iyo khalad siyaasadeed.
“Weerarka gurigiisa lagu qaaday, oo ay NISA qaaday
sida naloo sheegay, booliiska xagiisa aan ka imaanin, waxaa ay u arkeen
Xildhibaannadu in ay tahay sharci-darro, in ay tahay khalad siyaasadeed, in
xuriyadda ra’yiga, in uu cabiro ra’iyigiisa iyo sida uu aaminsan yahay, aragti
ka soo horjeeda oo qaldan ayey u muuqatay, Xildhibaannada waxaa ay codsanayaan
in Cabdiraxmaan xuriyadiisa dib loogu soo celiyo, sida ugu dhaqsiyaha
badan”ayuu yiri Xildhibaanka.
Sidoo kale, xildhibaannadu waxaa ay ka soo
horjeesteen go’aankii ku dalbaday xeer Ilaaliyaha Qaranka in Xasaannada lagala
noqdo labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay
danbi ah ‘’Qaran Dumis’’
Dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay ka hadashay
xariga Siyaasiga ayaa sheegtay ilaaladii ku sugneyd guriga siyaasiga is hortaag ku sameeyeen amar ay ciidamada u qabeen in ay baaraan guriga, taasoo keentay ayeey sheegeen in uu halkaa iska horimaad ku dhaxmaro labada dhinac.
Laamaha Amniga ayaa intaa ku darray in Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhawaan la horgeyn doono maxkamad.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]