4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Kenya oo dalbaneysa in wadahadal lagu dhameeyo muranka Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay Jawaabteedii dacwaddii muranka Badda ee dowladda Soomaliya ay ug gudbisay maxkamadda Sanadkii 2015.

War Qaraal ah oo uu soo saaray Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya  Githu Muigai ayuu ku sheegay in Meesha ay Kenya ka taagan tahay dacwaddii Badda ay tahay sideedii islamarkaan ay jawaabtooda ku xuseen in muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya Kenya lagu xaliyo Wada- hadal.

“ Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qoran tahay sharciga Badaha ee QM iyo Go’aano kale oo madaxda wadamadda Midowga Africa ay qaateen 1964tii” ayuu Githu Muigai ku sheegay warka ka soo baxay xafiiskiisa oo lagu daabacay Wargeeyska Daily  Nation ee Kenya ka soo baxa.

Maxkamadda The Hague ayaa la filayaa in ay Sheegto Qaabka Dacwadda looga hadlo bilowga Sanadka 2018.

Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwadda ka dhan ah Dowladda Kenya oo kasoo gudubtay Xuduud Badeedkii Soomaaliya iyo Kenya u gudbisay The Hague Bishii July 13 keedii 2015.

Masaafadda Badda ee lagu muransanyahay 100,000 oo labajibaaran, waxaana ku yaalla Lix Meelood oo Saliid laga bilaaabay in Saliid laga Qodo, Dolwadda Soomaaliya ayaa ku Doodeeysa in Kenya ay Masaafo dheer ka soo durugtay meelii uu ahaa Xuduud Badeedkii Saxda ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Doodeeda waxay ku-saleeysay Qodobadda 15,74 iyo 83 aad ee Sharciga Badaha ee QM ee lasoo saaray 1982.

Dowladda Kenya ayaa Doodeeda ku saleeyneeysa Hishiis Isfahan ah oo Labada Dowladood ay gaareen 2009 kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]