4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Mareykanka oo codka Veto u adeegsaday qaraar ka dhan ah Quddus oo loo gudbiyay golaha Amaanka

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday qaraar qabya ahaa oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay la keenay kuna saabsanaa magaalada Quddus.

Qaraarka ayaa ku baaqayay in dib looga laabto go'aankii madaxwayne Trump ugu aqoonsaday magaalada Quddus caasimada Israa'iil.

Dhammaan 14 xubnood ee kale ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarkan.

Dalalka taageeray qaraarka looga soo horjeedo go'aankii Trump waxaa ka mid ah Britain iyo Faransiiska.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa ku tilmaamtay waxa dhacay in uu yahay aflagaado aan la hilmaami doonin.

Falastiiniyiinta iyo taageerayaashooda ayaa rajaynaya in bariga Quddus maalin uun ay noqon doonto caasimada Falastiiniyiinta.

Go'aankii madaxwayne Trump uu Quddus ugu aqoonsaday caasimada Israa'iil ayaa waxa ka dhashay caro gaar ahaan dalalka Islamka.

BBC