4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Maamulka Oromiya oo ka hadlay Isku dhacyadii dhaxmaray Soomaalida iyo Oromada

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Afhayeen u hadlay gobolka Oramiya oo lagu magacabo Addisu Arega Kitessa ayaa sheegay in rabshadahii gu dambeeyay ay ka dhasheen Weerarro aargoosi ah oo ay dadka Oramada ku qaadeen degmo ku taalla Oramiya halkaasi oo 32 oo qof oo Soomaali ah lagu dilay.

Waxuu intaa ku daray in 29 qof oo Oramo ah ay dileen dad Soomaali gobolka Hawi Gudina iyo dagmada Daro Lebu,taasi oo uu sheegay in ay ka dhalatay in Oramada ay qaadaan weeraro aargoosi ah.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afhayeenkan maamulka Oromiya ayaa sheegay in dowladda degaanka Oramiya ay ka shaqaynayaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay dilalka dhacay.

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhankaooda ku eedeyay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Isku dhacyadani u dhaxeeya Soomaalida iyo Oramada ayaa laga cabsi qabaa in ay wax u dhinto ammaanka Itoobiya.

Itoobiya ayaa ah wadanka ugu wayn dhanka dhaqaalaha gobolka waxana ay Itoobiya xiriir dhaw la leedahay wadamada reer galbeedka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]