4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2017
Madaxweyne Farmaajo : Dhaqaalaha uu Mareykanku naga joojiyay wax saameyn ah naguma yeelan doonto

 

Talaado, December, 19, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaqaalihii uu Mareykanku joojiyay, isaga oo intaa ku daray in dowladda federaalka dabooli doonto baahiyaha ay qabaan ciidamada.

‘’Musuq-maasuqu wuxuu noqday wax Annaga nalagu bartilmaameedsado, taasoo keentay in Mareykanku joojiyo qeyb ka mid ah dhaqaalihii ku bixin jiray ciidamada, waxaan idin sheegayaa joojinta dhaqaalaas wax saameyn ah idinkuma yeelan doonto, waxaan diyaar u nahay in aan daboolno baahiyaha aad qabtaan’’ ayuu yiri madaxweynaha oo xarunta wasaaradda gaashaandhigga kula hadlayay saraakiil iyo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdaha caalamka ee kaalmada siiya dowladda federaalka xaq u leeyihiin in ay hubiyaan halka uu ku baxo dhaqaalaha ay bixyaan, sidaa daraadeed looga baahan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan nidaam sax ah oo hufan oo kalsooni gallin kara dowladdaha caaawiya Soomaaliya.

‘’ Annaga ayaa nalaga rabaa in aan marka hore isa saxno si naloo gacan qabto, islamarkaana kalsooni gallinno dadka Ajnabiga ah ee na caawiya’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in loo diyaar garoobo dagaal sida uu hadalka u dhigay ka dhan ah Al-shabaab, isaga oo sheegay in waqtigiisa inta ugu badan uu la qaadan doono ciidamada.

''Waxaa jir doona howlgal wada jir ah oo ka dhan ah Al-shabaab sidaa daraadeed waqtigeyga ugu badan waxaana la qaadan doonaan ciidamada'' ayuu yiri madaxweynaha oo ku amaanay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sida ay diyaarka ugu yihiin ka xoreynta dalka Al-shabaab.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan Mareykanku sheegay in uu joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sababo la xiriira musuqmaasuq iyo wax is dabamarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]