4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
War Deg-Deg ah: Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gurigiisa lagu weeraray



Axad, December, 17, 2017 (HOL) - Warar xogogaal oo soo gaaray HOL ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliyeed ay weerareen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku dhaawacmay weerarkaas isla markaasna ay halkaas ku dhinteen labo ka mid ah ilaaladiisa.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in ciidanka nabadsugidda ay weeraraan guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdisahkuur ayaa ah siyaasi horay isugu soo sharaxay madaxtinimada Soomaaliya.

Wixii warar ah ee arrintaan ka soo khordha, dib ayaan idiinku soo sheegidoonaa.