Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka soconaya gobolka Baay
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Maamulka
Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar qorsheysan oo ay
ku qaadeen deegaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku
dileen weerarkaasi kuwa kalena ay ku dhaawaceen.
Sidoo kale Maamulka waxa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag ka
tirsan Al-Shabaab intii uu socday weerarka.
Afhayeenka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar oo la hadlay
Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab ay kaga saari
lahaayeen guud ahaan degaanada koofur galbeed.
Waxaa uu sheegay in ay xoojinayaan weerarada
Al-Shabaab lagu qaadayo si looga saaro guud ahaanba deegaannada ay ku sugan
yihiin ee gobolka Baay
Afhayeenka Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar ayaa sidoo
kale Warbaahinta u sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay la dagaalanka
Al-Shabaab.
maalmihii dambe ayaa degaanada koofur galbeed waxaa ka dhacaayay dagaal u
dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka koofur galbeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]