Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Wararka
naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay
halkaa ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad ka tirsan deegaanka
iyo ciidamada Ahlu Sunna oo maalmihii ugu danbeeyayba isku hayay gacan ku
heynta deegaanka.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay halkaa ka jirto xiisad
dagaal iyo abaabul ay wadaan labada dhinac, iyadoo Ahlu Sunna ay ciidamo fara
badan oo duulaan ku ah u dirtay deegaanka, si ay weerar rogaal celin ah ugu
qaadaan.
Bashiir Daahir Dhagabadan oo ah guddoomiyaha
deegaanka Xeraale ayaa sheegay in ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay
Ahlusuna geysay duleedka Xeraale, ayna doonayaan inay dib ula wareegaan.
Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaankaas ayaa waxaa ku dhintay dad
fara badan, waxaana deegaanka ka barakacay boqolaal qoys, waxaana mar kale
jirta cabsi laga qabo in mar kale dagaalo dib uga bilowdaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]