Madaxweyne Siilaanyo oo qaliin fudud ku gallay cisbitaal ku yaala Imaaraadka Carabta
Talaado, August, 22, 2017 (HOL)-
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hawlo caafimaad u jooga
wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in qaliin fudud lagu sameeyey,isla
markaana laga saaray qabsin (Appendicitis).
Afhayeenka madaxweynaha Xuseen
Deyr ayaa warbaahinta u sheegay in baadhitaan lagu sameeyey madaxweynaha lagu
ogaaday in cilad xaga qabsinka uu jiro,
taasina ay keentay in markiiba qaliin fudud lagu sameeyo oo laga saaray
qabsinkii, haseyeeshee uu hadda madaxweynuhu caafimaad qabo.
“madaxweynuhu wuxuu jooga
Abu-dabay, waxaana lagu sameeyey Badhitaan caafimaad wax dhibaato ah kama soo
bixin, kaliya waxa lagu sheegay Qabsin in laga saarayo, qabsinkiina waa laga
saaray, caafimaadkiisuna wuu fiican yahay 100%”ayuu yidhi afhayeenka
madaxweynaha Xuseen Deyr.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in uu
hadda xaaladda Caafimaad ee madaxweynuhu fiican yahay,isla markaana
cisbitaalkii uu ka baxay oo uu hadda
shaqadisii caadiga ahayd ku gudda jiro.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa
maalintii Jimcihii toddobaadkan ka dhoofay magaaladda Hargeysa, waxaanu safar
khaasa ku tagay wadanka Imaaraadka Carabta, haseyeeshee dadka looma sheegin
inuu xaalad caafimaad u tagay, balse markii uu qaliinka ka soo baxay dadweynaha
loo sheegay inuu madaxweynuhu qaliin fudud galay oo uu hadda caafimaad qabo.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.