4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 19, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo maalinta berri ah ku wajahan dalka Masar kadib casuumaad uu helay


Sabti, Augusto, 19, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta Axad ee berri ah lagu wadaa in ay booqasho rasmi ah ku tagaan dalka Masar.

Md. Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah  ka helay dhigiisa dalka Masar C/fitaax Al-SiiSi.

Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar aya lagu xaqiijiyay in Madaxweynaha JFS Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu dalka Masar ku imaanayo booqasho rasmi ah, lana kulmi doono Jaaliyadda iyo Ardayda ku sugan Maagalladda Qaahira.

Warqad kasoo baxday Safaaradda Soomaalidda ee dalka Masar, ayaa waxaa lagu sheegay in uu jiro kulan, waxaana warqadda ay u qorneyd sida.

 



Kulanka ayaa waxaa uu ka dhici doonaa MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD, sida ku cad qoraalka kasoo baxay Safaaradda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia