Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Munaasabad
ay ka qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin
hore xilal uga soo qabtay dalka iyo marti Sharaf kale ayaa Shahaado lagu
guddoonsiiyay ilaa 400 oo Ardey ah kuwaa oo dhameysatay waxbarashada Jaamacada
Daaru-Salaam.
Dr Cismaan Maxamed Xassan guddoomiyaha sare Jaamacadda Daaru-Salaam ee
magaalada Muqdisho ayaa ardeyda qalibjibay u jeediyay erayo dardaaran iyo
dhiir-galin isugu jira.
Sidoo kale Xildhibaan Prof Maxamed
Cumar Dalxa ayaa sheegay in wax wanaagsan tahay dadaalka ay Jaamacada u
gashay in ardeyda ay soo saarto, isaga oo halkaa ka soo jeediyo hadalo kaftan
iyo dhiiri-galin u badnaa.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xusseen ‘’Nuur Cadde’’
ayaa munaasabada ka sheegay in uu hambalyeeynayo ardeyda qalinjabisay.
Ardeyda qalinjibisay ayaa dhankooda sheegay in ay u mahad celinayaan
ardaydooda iyo maamulka jaamacadda oo muddo soo wax barayay.
Magaalada Muqdisho waxaa ku yaala tiro jaamacado ah oo dalka laga hergaliyay
wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe, kuwaa oo soo saaray kumannaan aqoonyahanno
oo wax weyn ku soo kordhiyay bulshada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]