4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle oo Ayiday go’aankii kalsooni kala noqoshada madaxweynaha

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa kaga dhawaaqay guddoomiyaha baarlmaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed in go’aankii ay kalsoonida kala noqdeen xildhibaannada madaxweyne Cali Cabdullaahi uu ahaa mid sharci ah.

Guddoomiyaha oo goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ayaa arintan ka sheegay shir jaraa’id isaga oo ku tilmaamay go’aanka xildhibaannada in uu ahaa mid sax ah.

Waxaa uu sheegay in xilka si ku-meel-gaar ah uu u sii heyn doono madaxweyne ku-xigeenka islamarkaana dhawaan lagu dhawaaqayo guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ee la sheegay in kalsoonida lagala noqday ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar, waxaana la filayaa in uu halkaa ku qabto shir jaraa’id.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]