Danjiradda Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Wasiir Xoosh oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka
Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Wasiirka Arrimaha dastuurka ee Xukuumaadda
Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xafiiskiisa ku
qaabilay Danjiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Veronique Lorenzo
iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Xafiiska EU ee Soomaaliya, Wasiirka waxaa
kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar
Zubeyr.
Intii uu kulanka socday ayey laba dhinac isla soo qaadeen arrimo ay kamid
ahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo wada shaqaynta labada
dhinac.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa safiiradda iyo masuuliyiintii kale ee la socotay uga
mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda, isaga oo uga warbixiyay
hawlaha ay Wasaaradda qabatay.
“Aad ayaan ugu faraxasanahay inaan maanta idinku soo dhaweyno xarunta
Wasaaradda oo ah mid qiima wayn ugu fadhisa dalka Soomaaliya, waxa aan halkan
ka abaabulnay hawlo baaxad leh oo aan mudooyinkii dambe qabanay haba ugu
horeeyaan kulamada wadatashiga ee aan la yeelanay qaybaha kala duwan ee
bulshada oo wadada u furaya Geedi-Socod dib u-eegis Dastuur oo ka qaybgalkiisu
loo dhanyahay ” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Dhinaca kale, Safiiradda ayaa ugu hambalyeysay Wasaaradda shaqada ay wado,
islamarkaan waxa ay u ballanqaaday wadashaqayn joogta.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia