Shirkii lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo soo xirmay
Jimco, Augusto 11, 2017 (HOL) – Shirkan oo ahaa mid ay qabanqaabisay
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana
ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday Dawlad Goboleedyada iyo Ururada Bulshada
Rayidka ee dalka ayaa shalay soo gabagaboobay kadib afar cisho oo uu ka socday
magaalada Muqdisho.
Ujeedka shirka ayaa ahaa in lagu diyaariyo Istiraatiijiyaddda Waxbarashada Madaniga,
Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee Geedi-socodka
dib-u-eegista Dastuurka.
Kadib afar maalin oo maskax shiil ah, Wasaaradda ayaa talooyin wax ku ool ah
ka heshay dhamaan ka qaybgalayaasha oo loo qaybiyay koox-koox si ay u lafa-guraan
mowduucyadii loo dhiibay.
Shirka ayaa waxaa soo xiray Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen
Cilmi, isaga oo uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha sida ay waqtigooda u
geliyeen shirka.
Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa ballanqaaday in talooyinki shirkan ka
soo baxay ay noqon doonaan kuwo ay ku hawlgasho Wasaaradda islamarkaana qayb
wayn ka qaadan doona Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
Hiiraan Online,
Hassan Istiila
Hassanistiila@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia