Faah faahin: maxkamada ciidamada oo toogasho ku fulisay afar dhalinyaro ah magaalada Baydhabo [Sawirro]
Isniin, April, 24, 2017 (HOL) – Maxkamada ciidamada qalabka
sida qeybta 60aad ayaa xukun dil ah ku fulisay subaxnimadii hore ee maanta oo
Isniin ah afar dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen ururka
Al-shabaab.
Dhalinyarada la toogtay ayaa lagu
kala magacaabaa Xassan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan Cabdiraxmaan,
Siyaad Xassan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed oo lagu soo eedeeyay in ay ka
danbeeyay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Baydhabo.
Fagaaraha ay toogashada ka dhacday ayaa waxaa joogay gudoomiyaha maxakamada sare
ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Liibaan Cali Yaroow, gudoomiyaha
maxkamada derjada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur
Shuute iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dilka maanta lagu fuliyay afarta dhalinyarada ah ayaa imanaya xili maalintii
shalay ay gaareen magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta ugu sareysa maxkamada ciidamada
qalabka sida ee Soomaaliya.
Maalin kor ayeey aheyd markii maxkamada ciidamada dil toogasho ah ku fulisay
askari ka tirsanaa ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo ku eedeysnaa in sanadkii
hore ee 2016ka qof rayid ah ku dilay degmada Afgooye.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]