Madaxweynihii hore ee Somalia oo Muqdisho kula kulmay Qunsulka Masar ee Somalia (SAWIRRO)
Arbaco, September 28, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka, ayaa hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho wuxuu kulammo kala duwan ku qaatay qaar ka mid ah safiirrada Dalalka Caalamka u jooga Somalia, waxayna kulammadan iskula soo qaadeen Xaaladaha Guud ee dalka iyo sida ugu wanaagsan ee Doorashooyinku uga dhacayaan dalka.
Qunsulka Masar ee Somalia, Tamer Safwat El-Mahdy oo saakay gurigiisa ku booqday hariif Sh. Axmed, waxaana dhexmaray kulan gaar ah, wuxuuna u gudbiyay dhambaal uu kaga waday Xukuumadda Masar, isagoo sidoo kalena uga mahad-celiyay sida loo soo dhaweeyay.
Sidoo kale, Labada dhinac ayaa isla soo qaaday xiriirka ka dhaxeeya labada shacab ee Masar iyo Soamlia Waxaana Qunsulku uu Faahfaahin ka bixiyay sida Dowladdiisa ay uga go'an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Qunsulka ayaa ku ammaanay Madaxweynihii hore Shariif Sh Axmed dadaalkii uu u galay in Somalia ay ka baxdo xilliga KMG ah oo ay noqoto Dowlad rasmi ah, iyo in 45-sano kaddib Muqdisho lagu doortay Madaxweyne Soomaaliyeed xilkana loogu wareejiyay si nabad ah.
Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed ayaa Qunsulka uga mahad-celiyay booqashadiisa, wuxuuna u ballan-qaaday inay Dowladda Masar oo Somalia saaxiib la ah ay kala shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa iskaashi ballaaran oo dhexmara labada shacab iyo labada dowladood.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya