12/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 27, 2016
Qorshe cusub oo kusaabsan in ciidamo AMISOM ah la geeyo Cadaado

 

Talaado, Sitember 27, 2016 (HOL)-Waxaa jira warar mar dhow soo dhacay oo sheegaya in la qorsheynaayo in ciidamo AMISOM ah loo diro magaalada Cadaado si ay ololaha doorashada dartii ammaanka u ilaaliyaan magaaladaa gudaheeda.

Cadaado ayaa iminka ah xarunta dawlad-goboleedka Galmudug. Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ayaa lagu wadaa inay ka yimaadaan Cadaado. Mas'uul ka tirsan Wasaarada Ammaanka ee Galmudug ayaa ka digay in hub aan sharciyaysnayn lagu dhex qaato magaalada Cadaado gaar ahaan xilligaan doorashada.

Dhan kale, guddiga doorashada dadban ayaa qoraal ku sheegay in ciidamo katirsan AMISOM loo diri doono Cadaado si amniga iyo kala dambeynta ay u dhowraan waqtigaan muhiimka ah.

Guddiga doorashada dadban ee Soomaalia ayaa jadwal cusub u dajiyay maalin ka hor doorashada mar kale kadib dib u dhacyo laga baaqsan kari waayay. Bishaan 24ka ayaa dib u dhac mar kale yimid la xiriira doorashooyinka baarlamaanka.

Haataan ayaa jadwalka cusub ee la dajiyay waxaa loo meel dhigay doorashada baarlamaanka inta u dhexeysa 23ka Oktoobar iyo 10ka Nofember.

Wixii loo gaaro 5ta Oktoobar ayaa laga sugayaa in maamul goboleedyada dalku soo gudbiyaan xubnaha ay u doonayaan Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Dadban ayaa sheegay in dib u dhaca waxa sababaha u ah ay yihiin xaalada ammaanka, bajetka ama qarajka doorashada iyo hannaanka xallinta khilaafka.

Waxaa jirta in iyana liisaskii laga sugaayay odaayasha dhaqanka Soomaaliyeed aysan wali soo wada gudbin.

Guddiga Doorashada Dadban ayaa shalay shaaciyay in wixii loo gaaro Oktoobar 8 habka xallinta khilaafku uu diyaar ahaan doono.

Bajetka doorashooyinka ayaa boqolkiiba lixdan (60%) waxaa ku yaboohday beesha caalamka.

Ilaa 14000 oo qof ayaa soo dooranaya xubnaha baarlamaanka kaasoo asna dooran doona madaxweynaha.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]