SAWIRO: Al-shabaab oo soo bandhigtay Maydadka Askar Keenyaan ah iyo Gaari ay soo Qabsadeen
Axad, September 25, 2016 (HOL) —
Al-shabaab, ayaa maanta ku soo bandhigtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, Maydadka askar Kenyaan ah, baabuur ay ku soo qabsadeen Weerarkii ay ku qaadeen deegaanka
Hoomay ee Gaarisa ka tirsan iyo hub ay sheegeen inay soo furteen.
Shacab fara badan, ayaa
isugu soo baxay barxad ku taalla Jilib, waxaana goobta ka hadlya saraakiil ka
tirsan Al-shabaab oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada ka dhanka ah
xukuumadda Kenya.
“Gaarigaan, Waxaa iska lahaa Booliiska Kenya, Waxaana kus oo Qabsannay weerarkii aan maalmo ka hor ku qaaday
deegaanka Hoomey ee NFD oo ay Kenya Gumeysato, wayna sii socon doonnaan Weerarrada noocan oo kale ah,” ayay Shacabkii Goobtaas ku soo ururay u sheegeen
saraakiishii Al-shabaab ee hadlay.
Sidoo kale, Maydadka laba
askari oo Kenyaan ah ayaa waxay dul-saarnaayeen mid ka mid ah gaadiidka
dagaalka ee Al-shabaab, halkaasoo ay Dadweynihii Barxaddaas ku sugnaa ka daawanayeen.
Todobaadkii lasoo dhaafay Dhamaadkiisa ayaya ahayd markii xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerar gaadmo ah ku Qaadeen Saldhigga booliiska Hoomey, halkaasoo ay sheegeen inay ku dileen lix askari oo Kenya, laakiinse Kenya ay sheegtay in saddex askari oo keliya looga dhaawacay weerarkaas.
Ugu dambeyn, Ma ahan markii
ugu Horreysay oo Al-shabaab ay gaadiid ay kusoo qabsatay dagaallo ay ku qaadeen
gudaha dalka Kenya soo bandhigaan, iyadoo dowladda Kenya aysan weli ka hadlin gaariga iyo
maydadka ay Al-shabaab soo bandhigtay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya